Somali News

Guddi loo xilsaaray dejinta xiisad ka taagan Hirshabeelle oo gaaray Jowhar

Guddiga Heer Wasiiro ah oo uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xalinta xiisadda ka dhex jirta maamulka Hirshabeelle iyo Shacabka Beledwayne ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar.

Wefdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Generaal Mukhtaar Afrax waxaana qeyb ka ah wasiirada Amniga iyo Caddaalada, Xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Mas’uuliyiintan ayaa waxaana lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wax-garadka ku sugan Jowhar.

Magaalada Beledwayne ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad ku aadan, ka dib markii la sheegay in halkaasi uu booqasho ku tagayo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, Taasi oo keentay in boqolaal ciidan la geeyo magaaladaasi.

Xukumadda ayaana sheegtay in aysan waxna ka oggeyn ciidamada loo daabulay Beledwayne, waxaana ay ku baaqday in si deg deg ah askartaasi loo soo celiyo.