Somali News

Guddiga Amniga Caasimadda oo Xalay kulan ka yeeshay sugidda Amniga Muqdisho

Xalay waxa magalada muqdisho kulan ku yeeshay gudigii uu Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyrre u magacaabay kasoo talabixinta amniga Caasimada waxaana kulanka shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Sarkiisha laamaha amniga iyo Guddoomiayaha gobolka Banaadir waxaana looga dooday dhacoyinkii maalmihii udanbeeyay kadhacay magaalada Muqdisho sida dilalkii askar katirsan Booliiska Soomaaliya ay ugeysteen dad Shacab ah haba ugu badnaadeene wadayaasha Mootooyinka Bajaajta  iyo rabshadihii kadanbeeyay.

Kulaka kadib waxaa Warbaahinta lahadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxana uuna faah faahin kabixiyay wixii looga hadlay kulankii ay yeesheen Gudiga uu ka tirsan yahay ee loo xilsaaray kasoo tala bixinta amniga Caasimada.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in Booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaharaadyadii maalnimadii Sabtida kadhacay  Muqdisho sharcigana la hor gayn doono.