Uncategorized

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Tukeraq.

Muqdisho-KNN- Ismaaciil Macalin Muuse Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si Sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka iyo Xiisadda ka oogan deegaanka 5tii Bilood ee la soo dhaafay, Sidoo kale dhinacyada Puntland iyo Soomaaliland ayuu ka codsaday iney xaliyaan Islamarkaana ay wadahadal ku xaliyaan waxa sababay dagaalka.

Ismaaciil Macalin Muuse Baaqa uu soo saaray ayaa ku biiraya Baaqyo ka soo baxay dhinacyada Soomaalida sida Culumada, Odayaasha, iyo Siyaasiinta Soomaaliyeed kuwaas oo dhamaantood ku baaqayay in dagaalka la joojiyo oo wax walba wadahadal lagu dhameeyo.