Somali News

Guddiga Doorashada ee Xaaf uu magacaabay oo soo saaray Jadwalka Doorashada Galmudug.

Guddiga Doorashada uu Magacaabay Madaxweynaha mamaulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa  maanta soo saaray Jadwalka Doorashada ee Madaxweynaha Galmudug.

Xubnaha gudiga ayaa sheegay in 14  bishan la xareyn doono odayaasha dhaqanka, si ay u soo xulaan xildhibaanada cusub.

Jadwalka cusub ayaa yimid kadib markii dhowaan ay gudiga farsamada iyo dhismaha maamul Galmudug ay shaaciyeen xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulkaasi, kuwaasi oo tiradooda ka kooban 83 mudane, iyadoona ay ka harsan tahay 6 mudane.

Jahwareer aan caadi aheyn ayaa ka taagan dhismaha maamulka Galmudug.