Somali News

Guddiga Doorashada G/waqooyi oo shaaciyay Jadwalka Doorashada 8 kursi

Muqdisho-KNN-Guddiga Hirgelinta Doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Shaaciyay jadwalka doorashada 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.

Guddiga ayaa shegay in maalinta berri ah taarikhduna tahay 30 bisha 1aad ay Diwaangelin doonaan ergada, tabobarna ufuri doonaan ergada, sidoo kalana ay qaban doonan Codsiyadda iyo xaqiijinta Shuruudaha Musharaxiinta.

Gudigga ayaa ugu danbeeyntii sheegay in ay qabanayaan Doorashada sideeda kursi  maalinta Khamiista ah taarikhduna tahay 2bisha labaad.