Somali News

Guddiga doorashada guddoonka Baarlamanka labaad ee Galmudug oo diyaarinaya habraaca doorashada.

Xubnaha Baarlamanka Galmudug ayaa fadhi ay shalay ku  yeesheen Dhuusamareeb ku doortay guddi suurta geliya doorashada guddoonka Baarlamanka labaad ee Galmudug kaasoo ka kooban 15 xubnood.

Wararka ayaa sheegaya in guddiga shalay la doortay uu hadda ku howlanyahay diyaarinta habraaca doorashada guddoonka baarlamanka Galmudug, isagoo intaasi raaciyay in guddigaasi laga sugayo shuruudaha doorashada guddoonka cusub baarlamanka labaad ee Galmudug.

Sidoo kale guddigan shalay la doortay ayaa hadda ku howlan diyaarinta shuruudaha looga baahanyahay musharaxiinta u tartameysa guddoonka baarlamanka Galmudug.

“Shalay waxaa la soo gudbiyay sadax xubnood oo ka mid ah lix ka dhinneyd tirada guud ee  xildhibaannada Baarlamanka cusub ee Galmudug kaasoo ka kooban 89 mudane,  sadexda harsanna dhawaan ayaa lagu wadaa in la soo gudbiyo si loo dhameystiro xubnaha baarlamanka labaad ee Galmudug”

Dhinaca kale guddiga farsamada ee waday howsha dhismaha Galmudug ayey u muuqataa in shaqadiisii ay gabagabo tahay, iyadoo shaqada inta harsan uu la wareegidiino haddii la doorto gudoonka baarlamanka Galmudug