Somali News

Guddiga doorashada Itoobiya oo go’aan adag ka qaatay xisbiga TPLF

Addis Ababa-KNN-Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa maanta shaaciyey in diiwaanka xisbiyada siyaasadda dalkaas laga saaray xisbigii ka talin jiray gobolka Tigray ee TPLF.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa gabi ahaanba burburisay xisbigii TPLF ee ka talin jiray gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga dalkaas, kadib markii howlgal militeri lagu qaaday bishii Nofembar ee sanadkii hore.

Guddiga doorashada Itoobiya ayaa ku eedeeyay TPLF inay ka dambeeyeen khalalaase ka dhacay dalka bilihii u dambeeyey, sidaas darteedna liiska xisbiyada qaranka looga saaray.

Sidoo kale, guddiga waxuu ka codsaday seddax xisbi oo kale oo ka jira Tigray inay sharraxaad ka bixiyaaan doorashadii ay kala qeyb qaateen TPLF bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Tigray, taas oo ay dowladda ku tilmaantay sharci darro