Somali News

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo Shaaciyay jadwalka doorashada 3-kursi.

Muqdisho-KNN-Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay Jadwalaka doorashada 3 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada  Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Jubbaland, kuwaa oo kala ah Hop#023,Hop#132 iyo Hop#092.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay shaacin Doonaan Guddiga Xulista ergada, Halka malinta berri ah tarikhduna ay ku asteeysan tahay 17 Bisha 2aad  aya qaban Doonaan Qabashada Ergada iyo Diwaangelinta musharixiinta,

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ugu danbeeyntii Maalinta Jimcada ah taariikhduna ku beegnatahay 18 Febraayo ay qaban Doonaan Qabashada Doorashaad Sedexda kursi.