Somali News

Guddiga doorashada Jubbaland oo shuruudo adag dul dhigay Musharixiinta xilka Madaxweynaha.

Kismaayo-KNN-Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta soo badhigay jadwalka diiwaan galinta iyo shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxwaynaha Jubbaland.

Warqada ka soo baxay Guddiga ayey ku sheegeen in isdiiwaangelinta musharrixiinta ka billaabaneyso maanta oo Khamiis ah kuna egtahay maalinta Sabtiga ah.

Sidoo kale shuruudaha musharixiinta ayaa waxaa ka mid ah in musharaxa ragga ah uu bixiyo lacagta diiwaangelinta oo dhan $30,000 oo Dollar (Soddon kun oo dollar) halka musharaxa Dumarka ahna laga doonayo 15,000 (Toban & Shan kun oo Dollar) lacagtaas oo aan loo soo celin doonin.

Halkan  Hoose ka Akhriso Warqada