Somali News

Guddiga Doorashada Kenya oo siyaasiyiin badan ka hor istaagay in tartamaan.

Guddiga doorashada Kenya ayaa shaaciyay in aysan u ogolaan doonin siyaasiyinta iyagoo xilka haya xilka laga tuuray sababo la xiriira Musuq-maasuq ama dacwad laxiriirta lunsasho hanti dadweyne ay ka taalo maxkamadaha Kenya.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelan doonto siyaasin aad u tirbadan oo ay kujiraan kuwa Soomali ah,sida Barasabka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud iyo kuwo kale oo Soomali ah.

Waa markii ugu horeysay oo uu Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Kenya uu qaado talaabo noocan oo kale ah.