Somali News

Guddiga doorashada Madaxweynaha oo kulan yeelanaya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Soomaaliya, kuwaas oo ka kooban xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xubnahaan Guddiga ayaa maanta ka shiraya sidii ay iskaga soo xulan lahaayeen guddoon hoggaan u noqda iyo diyaarinta jadwalka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddiga ayaa la sugaya in ay sii daayaan waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn isha ugu hayo Doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya sidee ku qabsoomeyso iyo Madaxweynaha kusoo bixi doono.