Uncategorized

Guddiga Doorashada Somaliland oo Go’aamiyay in la joojiyo Adeega Internet-ka Degaanada Somaliland

Hargeysa–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Somaliland ay Go’aamiyeen in la joojiyo Adeega Internetka Degaanada Maamulkaas si looga Fogaado wax isdaba marin lagu sameeyo Doorashada Madaxweynaha Somaliland iyo in Dacaayado lagu Faafiyo Baraha Bulshada.

Guddiga Doorashada ayaa Warqad Qoraal ah u gudbiyay Shirkadaha bixiya Adeega Internedka,waxaana uu Guddigu amray in hawada laga saaro Internet-ka marka la gaaro 13-ka Bishaan oo Somaliland looga dareeri doono Doorashada Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sheegay in Isticmaalka Internet-ka la joojin doono waxii ka dambeeya 13- Bishaan islamarkaana uu Somaliland ka maqnaan doono illaa looga dhawaaqayo Natiijada Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Doorashada Madaxtinimada Somaliland oo qabsoomi doonta 13-ka November oo ku aadan Isniinta soo socota ayaa waxaa ku Tartamaya saddex Musharax oo ka kala socda Xibiyada kala ah Kulmiye,Wadani iyo Ucid.

Degaanada Somaliland ayaa waxaa hadda ku sugan Kormeereyaal ka socda Beesha Caalamka oo u kuur galaya qaabka ay u dhaceyso Doorashada Madaxtinimo Ee Somaliland.