Somali News

Guddiga doorashooyinka oo la kulmay ku xigeenka safiirka Talyaaniga

Guddoomiyaha Guddiga laguu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka tirsan Guddiga, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiir ku-xigeenka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Massimiliano Bertollo.

Guddiga iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay Hirgelinta Doorashada heer Federaal, oo weli muran xooggan ka taaganyahay, islamarkaana aysan heshiis dhab ah ka gaarin dowladda Federaalka iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Gudoomiye Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya.

Guddiga lagu muransanyahay, ayaa safiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin Hirgelinta doorasho daahfuran oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka in ay kaalintooda qaataan.