Hargeysa–KNN– Guddiga Doorashada Somaliland ayaa sheegay in Berri ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Somaliland ee Degaanada Maamulkaas looga Dareeray Isniintii la soo dhaafay.
Guddiga ayaa sheegay in Berri oo Jimce ah ay Shaacin doonaan Musharaxii ku soo baxay Doorashada Madaxweyne ee Somaliland,waxaana ay xuseen in Doorashadii ka dhacday Degaanada Somaliland ay u dhacday qaab Xor iyo Xalaal ah.
Doorashada Madaxtinimo ee Somaliland ayaa waxaa ku Tartamay Saddex Musharax oo kala Hogaaminaya Xisbiyadda UCID,Wadani iyo Kulmiye,waxaana Warar hor-dhac ah oo aan la Xaqiijin ay sheegayaan in Xisbiga Kulmiye uu hadda ku horeeyo Codadka la dhiibtay,iyadoo loo saadaalinayo Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland Shanta Sano ee soo socota,inkastoo waxkasta isbadali karaan oo aan weli lagu dhawaaqin Natiijada Doorashada Madaxweynaha Somaliland.
Goobjoogeyaal ka socda Wadamada Beesha Caalamka oo ka qeyb galay Doorashada Somaliland ayaa bogaadiyay qaabkii ay u dhacday Doorashada Madaxweynaha,waxaana ay sheegeen Kor-joogeyaasha in si Dimuquraadi ah ay u dhacday Doorashada Madaxweynaha Somaliland.