Somali News

Guddiga Farsamada Galmudug oo shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Galmudug

Muqdisho-KNN- Guddiga Farsamada iyo Maamul Dhisidda Galmudug ayaa maanta waxa ay soo saaereen liiska xildhibaannada baarlamaanka 2-aad ee uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Liiskan oo ay ka koobnaayeen 83 xubnood ayaa waxaa qayb ka ah kuwii ay soo xuleen Ahlu-Sunna .

Dhinaca kale Guddiga Farsamada iyo Maamul Dhisidda Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in xubno kale oo ka maqan kuwaasi oo gaaraya ilaa 6 xubnood ay sida ugu dhakhsaha badan u soo dhammaystiri doonaan