Muqdisho-KNN-Guddiga gurmadka Qaranka ee dhawaan dowlada ay magacaawday islamarkaana gurmadkii ugu horeeyay shalay gaarsiiyay dadkii ku dhibaateysnay duleedka magaalada Beladweyne ayaa ka warbixiyay talaabada xigta ee ay qaadi doonaan.
Guddigaan uu hor kacayo Ra`iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ay soo indha indheeyeen xaalada dhabta ah ee haysata dadkii kabarakacay fatahaada Wabiga ee magaalada Beladweyne.
R`iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshe gurmad ay ku gaarsiinayaan dadka uu saameeyay fathaada Wabiyada Shabeele iyo Jubba, ee ku dhibaateysan gobolada Hiiraan, Gedo, Jubba dhexe iyo gobolo kale.
Waxaa sii kor dhaya macluusha iyo dhibaatada ka dhalatay fatahaada ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeele, kuwaas oo dad badan barakiyay.