Somali News

Guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka oo Maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan  ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa waqtiga uu furmaya Kal-fadhiga 5-aad ee golaha shacabka, kaasi la filayay inuu furmo 10-ka bishan, balse  dib u dhac uu ku yimid,  kadib markii magaalada Muqdisho uu booqasho ku yimid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geele, sidaasi waxaa KNN u sheegay Xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa labadii bil ee la soo dhaafay waxaa ay ku maqnaayeen fasax, iyagoona hada dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka marka uu furmo ayaa la filayaa in mudanayaasha Golaha shacabka ay baarlamaanka horgeeyaan warbixinada ay ka soo aruuriyeen deegaanada laga soo doortay oo mudooyinkii dambe ay joogeen.