Somali News

Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo maanta kulmaya.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay Idaacada kulmiye ayaa sheegaya in maanta kulan deg deg ah ay yeelan doonaan  guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya, kuwaasi oo diyaarinaya ajandeyaasha kulmada soo socda ee golaha shacabka ee maalmaha soo socda ku yeelanaya Muqdisho.

Maalinta Isniinta ah ayaa lagu wadaa in dib loo furo kulamada Golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya kaddib muddo dhowr iyo toban cisho ah oo uu xirnaa khilaafka ka dhashay mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, islamarkaana ay ku kala qeyb sameen mooshinkaasi guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya iyo xildhibaannada dhexdooda.

Maalinta khamiista ah warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay inuu buray mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo kaddib markii ay ka laabteen mooshinkaasi 14 xildhibaan ee ka mid ah 92dii xildhibaan ee gudbiyay mooshinkaasi, taasi badalkeedana dalka uusan laheyn maxkamad dastuuri ah ee qaadda eedeemaha loo soo jeediyay Madaxweynaha.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo la hadlay xalay idaacadda kulmiye ayaa u xaqiijiyay in maanta ay kulmi doonaan guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya si ay u diyaariyaan ajandeyaasha kulamada soo socda.