Uncategorized

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo maanta go’aaminaya xiliga codka loo qaadayo Mooshinka Jawaari.

Muqdisho-KNN-Guddiga joogtada ah ee Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay go’aamiyaan xiliga codka loo qaadanayo Mooshinka xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ay ka keeneen Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa sheegay in maanta Guddiga uu kulan gaar ah ka yeelanayo maalinta fadhi ka yeelanayaan Xildhibaanada kadibna ay cod geliyaan mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ay u badan tahay in maalinta Isniinta oo Taariikhda ku beegan tahay 16-ka Bishaan ay Xildhibaanada kulan isugu yimaadaan kadibna ay cod uqaadaan mooshinka Jahwareerka geliyay dalka maalmihii la soo dhaafay.

Sidoo kale Guddiga ayaa maanta go’aaminaya xarunta lagu qaban doono fadhiga Baarlamaanka maalinta Codka loo qaadayo mooshinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.