Somali News

Guddiga kheyraadka ee golaha Aqalka Sare oo si adag uga hor yimid qorshaha iibka 7-da balook ee DF

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha guddiga kheyraadka golaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ahna Xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa soo saaray qoraal uu uga soo horjeestay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan iibka qandaraasyada 7 balook ee ku kala yaalla Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 4-ta bisha 8-aad ee sanadkan la bilaabayo tartanka shirkadaha u hanqal taagaya fursadaas, isla markaana lasoo gaba-gabeyn doono bisha Maarso ee sanadka 2021-ka.

Senator Ilyaas ayaa caddeeyey in guddiga kheyraadka Aqalka Sare uu arrinkan uga soo horjeedo sabab muuqata oo uu ku sheegay qiima dhaca aadka u weyn ee ku yimid Shidaalka caalamka iyo saameynta caalamiga ah ee Coronavirus.

Qoraal uu Senatorku soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri, “Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale utahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag.”

Halkan riix oo ka akhriso, kana dhageyso macluumaad kale