Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay warbixin ay soo saareen ku cadeeyeen in aaney Dalka ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah.
Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ay soo saareen Nidaam Doorasho oo badalaya kii ku qorna Sharciga Doorashooyinka ee ay soo Diyaarisay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya.
Nidaamki hore ayaa ahaa Habka Liistada Xiran, kaasi oo micnihiisu uu yahay nidaamka matalaada isku dheeli tiran, waxaana ay ku badaleen Nidaamka Aqlabiyada.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegay in dalka ay ka dhacayso doorasho, inkastoo siyaasiytiinta mucaaradka ah arintaasi ay walaac xoogan ay ka muujniyeen