Uncategorized

Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka oo beeniyay in la xaday Dastuurka saxda ahaa ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgilinta Dastuurka ayaa maanta War-saxaafadeed ay soo saareyn ku beeniyay in la xaday Dastuurka saxda ahaa ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in dastuurka hadda sida KMG ah loogu shaqeeyo yahay kan saxda ah ee lagu soo dhisay hay’adaha dowladda.

Sidoo kale waxay tilmaameyn in dastuurkan uu yahay kii saxda ahaa ee ay ansixiyeen ergada  taariikhda marka ay eheed Agoosto 1, 2012.

Guddiga ayaa warsaxaafadeedka ku yiri “shacabka Soomaaliyeed ayaan u caddeyneynaa in dastuurka hadda lagu dhaqmayo uu yahay kan saxda ah ee hay’adda dowladda lagu soo dhisay”.

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka maanta ay soo saareen Guddiga.