Somali News

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka oo dib ugu celiyey magacaabis uu sameeyay Wasiir Maareeye

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa dib ugu celiyey Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Agaasimayaal uu Magacaabey.

Wasiirka ayaa horey xilka uga qaaday lix agaasime,waxaana warqad kasoo baxday Guddiga ay ku sheegeen in Guddiga dallaacada ee Wasaaradda aanay u dhameyn tirada (kooramka), go’aan ka qaadan kartay sida uu qabo sharciga Shaqaalaha.