Somali News

Guddiga xakameynta fatahaadaha Beledweyne oo ka war-bixiyey halka ay wax u marayaan

Beledweyne-KNN-Gudiga gurmadka fatahaadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey halka uu marayo dadaal ay maalmihii dambe ugu jireen sidii looga gaashaaman lahaa fatahaado dambe oo ku dhufta Beledweyne.

Guddoomiyaha guddigaas Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay in haatan ay gaba-gabo u marayaan illaa afar goobood oo ay biyo  xireenka ka sameynayaan.

Sidoo kale xaafadda ay saameeyaan fatahaadaha ugu daran ee Howlwadaag ayuu sheegay guddoomiyuhu sheegay in darbi ay ku wareeji doonaan, si looga difaaco biyaha xilli roobaad kasta uu banaanka u saaro wabiga Shabeelle.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Beledweyne Cismaan Aadan Careys ayaa warkan noo soo diray.