Somali News

Guddiga Xuduudaha Qaranka oo maanta hortagay Golaha Aqalka Sare

Muqdisho-KNN-Guddiga xaduudaha Qaranka ayaa Maanta wxaa ay hortageen xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya iyaga oo soo bandhigay dhererka iyo badka goobaha ay ka sameeynayaan soohdimaha ay ku kala xadeynahaan maamul gobaleedyada ka jira dalka, si uusan khilaaf u imaan.

Horay ayaa maamulada qaar waxaa dhexmaray isjiid jiid xagga dhulalka, maadaama ay isku heysteen dhulalka, kaasi oo dhaliyay Khasaaro kala duwan.

Abuukar Cabdi oo xubin ka ah guddiga xaduudaha Qaranka ayaa xildhibaannada aqalka sare u sharaxay bedka iyo dhererka ay ka sameynayaan soohdimaha maamul gobaleedyada lagu kala xadeynayo.

Khaliif Cabdi Kariim Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga xaduudaha Qaranka ayaa markale ku celiyay inay sharciyeynayaan maaamul gobaleedyada qaar maadama ay hareer mareen sharuucda dalka.

Halkan ka Dhageyso codadka.