Somali News

Guddigii loo xil saaray xal u helida dilkii Gaalkacyo oo war soo saaray.

Gaalkacyo-KNN-Guddiyadii xal u helida dilalkii ka dhacay deegaanada Galmudug ee ka kala Socday Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa warmutiyeed ka soo saaray kulamadii maalmihii la soo dhaafay ugu soconayay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Warsaxaafadeedka Gudiga ayaa waxaa ay ku sheegeen in dhamaan kulamadaasi kadib ay soo saareen dhowr qodob oo xal u nooqn kara nabadgelyda dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.