Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay guddigii uu dhawaan u magacaabay diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka.
Guddoomiye Mursal ayaa xubnaha giddiga ee uu la kulmay waxa uu faray in muddo 60 cisho ah ay ku soo diyaariyaan Sharciga doorashooyinka qaranka.
Guddiga loo xil saaray soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka oo uu shalay magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay ka koobanyihiin 15 xubnood waxeyna dhamaantood ka tirsanyihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.