Somali News

Guddigii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo gaaray Boosaaso

Boosaaso-KNN-Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ah ee ka kala socday Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed, ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxay halkaas kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.

Guddiga ayaa Boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda Koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaas, iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta, iyagoo intaas ka dib kormeeray xabsiyada magaalada Boosaaso oo ay ku xiranyihiin dad loo heysto eedeymo kala duwan.

Xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Dekadaha, Wasiiru Dowlaha Arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland, waxaana la sheegay intii lagu guda jiray kulamadaas in aad looga hadlay dadka Xabsiyada ku xiran, dambiyada loo heysto iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo kala saaro dadkaas, si qofkii dambi leh loo horgeeyo Cadaaladda qofkii aan dambi laheyna dib loogu celiyo xoriyadiiisa.

Guddigaas ayaa loo xil saaray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dad shacab ah oo kasoo jeeda Gobolada Koonfureed ee dalka, kuwaas oo dhowaan lagu dilay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.