Uncategorized

Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha shacabka oo Daaqadda ka saaray Canshuurta Khilaafka dhalisay

Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamtay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda, taasoo dhalisay khilaaf keenay inuu hakado ganacsigii Suuqa Bakaaraha iyo dhaq dhaqaaqii Dekeda Muqdisho.

Kulan Guddiyada Joogtada Golaha shacabka ay yeesheen ayaa waxaa uu u xil saaray Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaasoo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir, kana dhageystay cabashadooda.

War saxaafadeed Guddiga soo saaray oo ka koobnaa shan qodob ayaa ugu horeyn waxaa sharci darro lagu tilmaamay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda ee ah Canshuurta Iibka 5%, isla markaana la dhaqan gelin karin.

Sidoo kale Guddiga ayaa wasaaradda ka dalbaday inay horkeento Baarlamaanka shuruucda canshuurta oo tifaftiran 30 bisha April, waxaa kaloo labada Guddi ku wargeliyeen Wasaaradda Maaliyadda in canshuur aanay soo marin Baarlamaanka aanay dhaqan gelin karin Wasaaradda Maaliyadda.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga soo saareen:-