Uncategorized

Guddiyadda Difaaca iyo Gudaha ee Golaha Shacabka oo ka arinsaday adkeynta amaanka Xarunta Golaha

Muqdisho-KNN-Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeeshey magaalada Muqdisho waxay ka wada hadleyn arrimo ay kamidka yihiin adkeynta ammaanka xarunta Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ay si wadajir ah ushir guddoominayeen Guddoomiyayaasha labada Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa looga hadlay Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka amaankooda sidii loo adkeyn lahaa.

Intii uu kulankaasi socday ayaa Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac ayaa warbixino ku aadan ajandayaasha lag ahadlayay ka dhageystay guddoomiyaasha labadd aguddi,iyagoo isla gartay in muhiim ay tahay xoojinta amnigga xarunta uu ku shaqeeyo Golaah Shacabka.

Sikastaba ha`ahaateen Guddiyadda arimaha Gudaha iyo Difaaca Golaha Shacabka  ayaa soo saarin qodobo ku aadan hanaanka loo adkeyn karo amaanka xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kuna taala magaalada Muqdisho.