Uncategorized

Guddomiyaha Golaha Shacabka oo maanta ku wajahan magaalada Baydhabo

Baydhabo-KNN-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Safarka Guddoomiyaha ayaa lagu tilmaamay in u jeedkiisu uu yahay in uu halkaasi ugu qeyb galo shir looga hadlaya amniga Soomaaliya, maadaama madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo sfar ugu maqan yahay dalka Qadar.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ah ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida wararka qaar ay sheegayaan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabanaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sababo la xariira dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland.

Gaas ayaa la filayaa in uu ka qeyb gali doonin shirka looga hadlaya amniga Qaran oo ka dhacaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.