Somali News

Shir looga hadlayay Amniga iyo La dagaalanka Al-shabaab oo lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo

Baydhabo-KNN-Shirkan oo muddo todobaad ah ka socdey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa waxaa loo qabtey  masuuliyiinta maamulada gobalada iyo degmooyinka koofur galbeed Soomaaliya, iyadoo ay soo qaban qaabisay wasaarada arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta koofur galbeed.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo kamid ahaa masuuliyiinta shirka ka qeyb galeysay ayaa warbaahinta u Sheegay in shirkan uu ahaa mid looga hadlayey horumarinta adeega dowliga iyo baahinta adeegyada Dowladda, sidoo Kale wuxuu intaa ku darey hadalkiisa in sigaar ah diirada loogu saarey sidii alshabaab looga saari lahaa gobolada maamulka koofur galbeed

Gudoomiye Ibraahin aadan Cali Najax ayaa sidoo kale waxa uu Sheegey in  Shirkan  aad muhiim ugu ahaa shacabka Koofur Galbeed Soomaaliya ,islamarkaana waxaa uu sheegay un shirkan uu badan u horseedi doona shacab degan deegaanada koofur galbeed amni, hormar iyo nabad kuwada noolaansho.