Somali News

Guddoomiyaha aqalka sare oo kulamo la qaadanaya hogaanka jubbaland.


Kismaayo-KNN-Cabdi Xaashi C.llaahi Guddoomiyaha aqalka sare ee BFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmo ka hor gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta goblka Jubada Hoose ayaa bilaabay iney kulamo la qaataan hogaanka Jubbaland si loo xaliyo is faham waaga Dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Wafdiga aqalka Sare ayaa doonaya iney soo gaba-gabeeyaan cabashada dowlad gobaleedyada ay ka qabaan Dowladda dhexe si loo bilaabo wada shaqeyntii labada dhinac oo hakad ku jirta mudo bilooyin ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo ku xigeenkiisa ayaa lala qaadanayaa Kulamada iyagoo soo gudbinaya waxyaabaha hortaagan wada-shaqeynta maamulada iyo Dowladda dhexe.

Aqalka sare ayaa hore u sheegay in xal kumeel gaar ah ay ka gaareyn khilaafkii labada dhinac hadana ay doonayaan in si guud loo soo afjaro xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.