Somali News

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta gaaray Garowe

Garowe-KNN-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa todobaadkaan ka qeyb galaya Xafladda caleema-saarka ee Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni. Waxaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Baarlamaanka Puntland iyo madaxtooyada maamulkaasi.

Munaasabadda caleema-saarka Deni ayaa lagu wadaa in Sabtida soo aadan ay ka dhacdo magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana ka qeyb galaya madax kala duwan.