Uncategorized

Guddoomiyaha aqalka sare” Radio Kulmiye waxaan leeyahay Hambalyo”

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo maanta ka qayb galay xafalad loogu dabaal dagayay sanad guurada Radio kulmiye ee jirsatay 7-sano ayaa ugu hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha waqtiga ay soo qaatayn.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Idaacadaan ay tahay mid ka mid ah warbaahinta Soomaaliya kuwooda loogu jecel yahay gudbisana fariimo iyo warar xaqiiqda ku salaysan, si gaar ah KNN waxaa loogu amaanay gudbinta goos goos-yada ka baxa Idaacadda oo hadba mowduucii taagan looga hadlo.

“waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda kulmiye oo 7-sano jirsaday, xaqiiqdii waa Idaacada aan jeclahay wararka iyo Barnaamijyada ka baxa dadkana ay aamineen” ayuu yiri Guddoomiyaha aqalka sare.

Madax iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay xafladda Idaacadda, waxayna dhamaantood Hambalyo u dirayn maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Kulmiye.