Uncategorized

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo magacaabay guddiga doorashada Madaxweynaha

Jowhar–KNN–Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey Maxamuud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay magacaabistan in uu wada tashiyo kala sameeyay labadiisa ku xigeen iyo xildhibaanada Hirshabeelle.

Sidaasi darteed waxaa Guddigan lamagacaabay la faray in shaqadooda ay u gutaan si daacad ah oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyo xeer hoosaadka sharci dejinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle

Xukumadda Soomaaliya ayaa horay  u sheegtay in Maamulka Hirshabelle laga doonayo in 30 Cisho Gudahood ay ku soo doortaan Madaxweyne,Maadaama Baarlamaanka Hirshabelle ay Xilkii ka qaadeen Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabelle.