Uncategorized

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Maanta Khudbad ka horjeedin doona Golaha Shacabka

Muqdisho–KNN– Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka qeyb galo Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka islamarkaana uu Khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo Khamiistii soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa shalay socdaal ku tagay Magaalada Baledweyne oo ay joogaan Ciidamada Dalka Jabuuti,waxaana socdaalka Baledweyne ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Khudbadda uu Maanta ka horjeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa lagu wadaa inuu ku soo hadal qaado Xariirka ka dhaxeeya Labada Baarlamaan ee Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidoo kale Taageerada Dowladda Jabuuti ay la garabtaagan tahay Doweladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.