Uncategorized

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho ku soo wajahan.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maanta magaalada Muqidsho ku soo wajahan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo.

Sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socda Dowladda Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaban qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.