Uncategorized

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay dil loo geystay mid kamid shaqaalaha BFS.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay dil caawa maqribkii loo geystay Allaha ha u naxriistee Marxuum Cumar Dalxa oo maanta gacan ka xaq daran ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

Allaha ha u naxriistee Cumar oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Golaha Shacabka ayaa caawa kooxo hubeysan ay ku dileyn aga gaarka wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

“waxaana Alle ka baryayaa in Janatul Fardowso uu ka waraabiyo, kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo Anaga iyo guud ahaan qoyskiisaba samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo Sidoo kale waxaan Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa Cali Dheere oo marxuumka la socday dhaawacna uusoo gaaray” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaan rajeyneynaa in kuwii ka dambeeyay dilka  xaq darada ah ee loo geystay Marxuum Cumar laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan islamarkaana cadaalada la hor keeni doono.

Tan iyo markii ay curatay bishaan barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa sii kordhay dilalka iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoona laamaha amaanka aysan wali ka hadlin dilalka iyo weerarada ka dhaca magaalada.