Somali News

Guddoomiyaha Cusub ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Xildhibaanada Cusub ee baarlamaanka maamulka galmudug ayaa maanta waxaa ay doortay guddoomiyaha Cusub ee baarlamaanka Maamulkaasi, kaasi oo loo doortay inuu noqdo Dr. Maxamed Nur Gacal.

Maxamed Nuur gacal ayaa helay ku dhawaad 54 Cod, halka Cabdi Naasir uu helay 34 Cod.

Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyey in Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod halka Cabdi Naasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod,waxaana codeeyey 89 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug

Waxaan saacadaha soo adan lagu wadaa in ay bilaabato doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamanaka Galmudug