Somali News

Guddoomiyaha D/Baardheere oo xilkii laga qaaday iyo Mid Cusub oo la magacaabay.

Baardheere-KNN-Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo C/llaahi Nuur Xasan waxaana loo magacaabay Ismaaciil Cabdi Qorrax.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha xilka laga qaaday uu sameeyay amar diido kadibna xilkii ay ka qaaday Wasaaradda.