Uncategorized

Guddoomiyaha Degmada Cadale oo lagu Dhaawacay Qarax loo dhigay

Garsaale–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax Miino lala beegsaday Gaari uu watay Guddoomiyaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe Muuse Maxamed Kadiil xilli uu marayay Degaanka Garsaale.

Guddoomiyaha Degmada Cadale iyo Labo kamida Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Qaraxa Miino ee lala beegsaday Xalay,waxaana Dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Degmada Cadale ayaa Xalay ka baxay Degmada Balcad ee isla Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana uu ku sii jeeday Magaalada Jowhar,iyadoo Qaraxa loo dhigay Meel u dhow Degaanka Garasaale oo u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wadada Xariirisa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa ah mid ahaankeedu uu Faraha ka baxay,waxaana ku soo laab laabtay Qaraxyada loo dhigo Ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabdellaha Dhexe weli kama hadlin Weerarka lagu dhaawacay Guddoomiyaha Degmada Cadale iyo Qaraxyada ku soo laab laabtay Wadada kala qeybisa Balcad iyo Jowhar.