Somali News

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo qarax miino lala beegsaday

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno deegaanka Daarusalaam ee waqooyiga magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in goordhaw qarax lagula beegsaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil boolis ah oo la socotay.

Qaraxan oo ah kii labaad oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu la egyahay.

Hasa yeeshee waxaa la xaqiijiyey in guddoomiye Axmed uu ka badbaaday qaraxaas.

Qarax sidaan oo kale loo adeegsaday miino ayaa saakay ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan, kaas oo lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay laba askari, sidoo kale waxaa ka dhashay dhaawacyo badan.