Somali News

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo baaq u diray M/weyne Xasan Shiikh

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Guutada 5-aad qeybta 27-ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wada wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii ay Al-shabaab ay ugu dulqaadi lahaayeen dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah ee isticmaala wadadaas.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u hoggaaminayaan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa gaaray dhowr deegaano oo dhulka buuraleyda ah, halkaas oo ay Al-Shabaab gaadiidka dadweynaha lacago baad ah kaga qaadi jireen.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga in shacabka laga dulqaado nimanka dhiigyo cabka ah ee caadeystay in ay dhiigga shacabka baneystaan,”ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa wuxuu sheegay in ay doonayaan in shabaabka laga xorreeyo deegaanada ay joogaan iyo sidii dib soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambeynta dadka.