Uncategorized

Guddoomiyaha Garsoorayaasha Kubbada Cagta Cusmaan Diraac oo la diley

Kooxo hubeysan ayaa Xalay magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii xiriirka garsoorayaasha kubbada cagta Soomaaliyeed Cusmaan Jaamac Diraac.

Dilka ayaa la sheegay inay geysteen dad ku hubeysan bastoolado  waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay salaada cishaha masjid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday ka hor inta aysan ciidanka ammaanka goobta gaarin. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha ee xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa ku dhaawacyo ay ka soo gaaren afar ruux kadib markii hoobiye ku soo dhacay goob ganacsi oo ku taal isla degmada Warta nabada caawa fiidkii.

Ciidamada amniga oo goobtaa gaaray ayaa la sheegay in ay baaritaan ka bilaabeen meelo ay uga shakiyeen in hoobiyaha laga soo ridey.