Uncategorized

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xil ka qaadis ku sameeyay Khasnajigii Guud ee dowladda Hoose

Muqdisho–KNN–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto  xafiiskiisa ka soo baxday waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose ee Xamar C/raxiin Iimaan Jimcaale.

Guddoomiye Taabid ayaa xilkan u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose.

Wareegtada magacaabis ee ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa timid, maalin kaddib markii Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Dheere Xaaji ay shaqo joojin ku sameysay C/kariin Iimaan Jimcaale.