Somali News

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax ka socota Hay’ad Caalami ah

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Maanta waxaa uu aqalka dawladda hoose ee Xamar ku qaabilay madax ka tirsan Hay’adda UNDP, gaar ahaan madaxa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee lagu magacaabo Mss Doel.

Labada masuul ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeeyeen, dhinacyada amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho , iyo fulinta adeegyo muhiim u ah bulshada degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa uga mahadceliyay Mss Doel booqashada ay ugu timid xafiiskiisa, arrimihii ay isla afgarteen, iyo taageerada ay ula diyaar tahay Hay’addu waxqabadka Caasimada dalka .