Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Safiirka Midgowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga.
Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya horumarka uu ku tallaabsanayo gobolka, arrimaha barakacayaasha, dadaallada dib u dhiska iyo qorsheyaasha hortabinta u leh Macula Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa barnaamijyada horumarineed ee Ururka Midowga Yurub uu ka fuliyo Gobolka Banaadir.
Dhankiisa Nicolas Berlanga ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Caasimadda sida ay ugu taagan yihiin horumarka iyo xaqiijinta dib u kabashada gobolka, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan gobolka.
Ugu dambayntii Danjire Nicolas waxa uu uga mahad-celiyey maamulka iyo bulshada caasimadda soo dhaweynta diirran iyo fududeynta shaqada tan iyo markii uu soo gaaray dalka.




