Uncategorized

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxda AMISOM

Muqdisho–KNN–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa Kulan Saacado badan qaatay Maanta la yeeshay Madaxda Midawga Afrika Ee AMISOM iyo Saraakiisha Ciidamada Ee AMISOM.

Guddoomiye Taabid ayaa Mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Danjiraha Midawga Afrika u jooga Soomaaliya  Ambassador Francisco Madeira iyo Taliyaha Guud Ee Ciidamada AMISOM,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin Dhibaatada Ciidamada AMISOM ay u geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan Dhacdadii Argagaxa la heyd ee ka dhacday KM-4 ee Gaariga AMISOM uu ku jiiray Gaari uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed,waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Ciidamada AMISOM ay u sugi lahaayeenAmaanka Gobolka Banaadir.