Somali News

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ciidamada AMISOM maanta ay ka hor istaageen Garoonka Diyaaradaha

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo xubno la socday oo sogootinayay xili maanta uu ka dhoofayay Muqdisho ayaa ciidamada AMISOM waxay ku xayireen afaafka hore ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo maanta u duulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ciidamada AMISOM waxay ku celiyeen aga gaarka Garoonka gaar ahaan dhanka Marina Gate ee mas`uuliyiinta dowlada ay ka galaan Garoonka.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in aanay ogolaansho u heysan in Kolonyada Guddoomiyaha Aqalka sare oo ay wehliyeen Ilaaladiisa ay gudaha u galaan Garoonka, waxaana taasi keentay is maandhaaf iyo muran dhex maray labada dhinac.

Muran dheer kadib Saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa arinta soo dhax galay waxaana ugu dambeyn la fasay Guddoomiyaha si uu ugu duulo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay ogolaansho u heysataan kaliya Kolonyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay geli karaan garoonka, iyagoo aan la baarin, maadaama amnigooda ay qeyb ka yihiin Ciidamo AMISOM.

Aqalka Sare ayaa kulan degdeg ah oo arrinta xayiraada Guddoomiyaha uu ka yeeshay waxay ku cambaareeyeen falkaas tacadiga ah, waxaana ay ka dalbadeen AMISOM inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo soo baxaya oo ku aadan arintaani, waxaana la filayaa in saraakiisha ciidamada AMISOM ay si faafaahsan ugu hadlaan arintaan maalmaha soo socda.